Maxay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaliya?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, sida dagaalka Al-shabaab iyo  halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xogo ku aadan canshuurta Iibka ee dalka laga dhaqan galiyay iyo sida dowladda uga go’antahay.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa ku soo aadaya xilli dhowr jeer oo hore ay dowladda Soomaaliya heshiisyo dhinaca difaaca ah la saxiixatay dowladda kale sida Masar, Turkiga iyo kuwo kale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed