Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ahaa oo ay Xalay yeesheen cod aqlabiyad leh ku meel mariyay miisaaniyada dowladda ee sanadka soo socda 2025, taasoo gaareysa $1,342,476,311.
โKororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%, Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalahaโ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka
Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiirrada lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka ciidanka Booliiska Soomaaliya, kaasoo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleysatay in laga cafiyo deyntii waqti dheer lagu lahaa, taasoo keentay in Xukuumadda Federaalka ay xoogga saarto sare u qaadista dakhliga gudaha si uu u kordho kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.