Golaha Wakiilada Somaliland ayaa diiday wax ka badal ay golaha guurtidu ku sameeyeen xeerka doorashooyinka ee Lr 91.
“Waxa Cod aqlabiyad weyn ah lagu ansixiyey Xeer Lr 91 Sidii uu hore goluhu ugu ansixiyey, meeshana lagaga saaray wax ka bedelkii Guurtida Golaha oo ay fadhiyeen 71 Xildhibaan Waxa sidii uu golaha kaga baxay ku ogolaaday 69 xildhibaanWaxa ka aamusy 1 xildhibaan
Waxa diiday 0 Xildhibaan gudoomiyuhuna muu codaynin”.
Xeerka ayaa hada u gudbi doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu leh awooda ugu danbaysa ee dhaqangalinta xeerka.
Golaha Guurtida ayaa xeerkan kusoo kordhiyay in xisbiyadu ay kusoo baxaan cod hal dheeri ah, wax ka badalkaas oo uu golaha wakiiladu ka saaray maanta, xisbiyada ayaa hada ku qasbanaan doona in ay cod 20% ka helaan dhamaan gobolada si ay u guulaystaan.