Maxay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaliya ?

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Sida lagu yiri warkooban oo ay daabacday Wakaaladda SONNA.

Kulanka ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo loo diiday in ay tabiso warbaahinta madaxbannaan ayaa warka ka soo baxay SONNA lagu sheegay in kulanka ay soo xaadireen 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Shir degdeg ah oo saaka yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uuna shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ansixiyay heshiis dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Heshiiskaan ayaa muran iyo doodo dhaliyey habka loo maray ansixintiisa, waxaa xusid mudan in asnixinta Golaha Wasiirrada iyo anixinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay qaadatay wax ka yar lix saac.

Warbaahinta madaxa bannaan ayaa weli helin nuqul ka mid ah heeshiiskaan ay maanta ansixiyeen, taas badalkeed loo diiday in ay si toos ah u tabiso, kulanka Baarlamaanka .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed