Maxaa sababay xilka qaadista Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.
sida lagu sheegay qoraalka Madaxweynaha ayaa lagu booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

warqadan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa timid maalin kadib markii xildhibaan Jiileey uu kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay xildhibaano katirsan baarlamaanku ku sheegeen in ay taageersan yihiin mudaaharaadyo lagu taageerayo joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ka dhacay degaano kala duwan oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka xumaatay warkaas ayaa baarlamaanka ku riixaysa in tallaabo laga qaado xildhibaanada taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia. Warar aan si dhab ah loo hubin ayaa sheegaya in mooshin laga diyaariyay  xildhibaanadaas, iyagoo lagu eedeeyay tallaabo kasoo horjeedda qaranimada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad adag oo ka dhalatay heshiiskii marin-biyoodka ee ay Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland. Soomaaliya ayaa heshiiska kaga jawaabtay inay xiriirka u jartay Ethiopia, waxayna haatan doonaysaa in ciidamada Ethiopia laga saaro dalka si loogu beddelo ciidamo ka socda Masar.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed