Maxaa sababay dib u dhaca shirkii golaha wadatashiga qaranka ?

Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta oo ah 20ka Abriil 2024 ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si ay uga hadlaan arrimo dhowr ah.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu soosaaray ayaa lagu sheegay in ‘Arrimo Farsamo’ darteed oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin uu shirkaas dib ugu dhacay muddo kooban.

Madaxda Dowlad-Goboleedyada oo intooda badan ka ka maqan Caasimadda ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirkaan oo diiradda lagu saarayo arrimaha Dastuurka, Amniga & Siyaasadda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed