Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal labadii cisho lasoo dhaafay ka dhacayay inta u dhaxeysa Qorilugud iyo Buuhoodle kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kooxo hubeysan oo deegaanka ah.
Dhimashada inta la xaqiijiyay waxa ay kor u dhaafeysaa 26 ruux halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, dadka dhintay iyo dhaawacmay ayaa u badan dhinacyada dagaalamay inkasta oo ay ku jiraan Dad kale oo rayid ah.
Maxaabiis ayaa la kala qabsaday inta uu dagaalka socday, labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay, Somaliland ayaa dagaalkaan ku eedeysay in ay ka dambeyso Dowladda Federaalka ujeedkiisu yahay in lagu carqaladeeyo Doorashada dhaceysa 13ka bishaan.
Ma jiro war kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka oo uga warcelineyso eedahaas uga yimid dhinaca Maamulka Somaliland, Muddooyinkii dambe deegaanno katirsan Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer & Awdal waxaa ka socday kacdoon ka dhan ah Somaliland.