Maxaa looga hadlaya shirka madxad Somaliya Masar iyo Eritrea?

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa gaaray magaalada Asmara kadib casuumaad ka yimid dhigiisa Eritrea, Isaias Afwerki.

Magaalada Asmara ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eretariya ayaa la qorsheynaya in ay yeeshaan shir saddex geesood ah oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka saddexda dal, arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Eretariya Yemane Meskel ayaa sheegay in kulamadan diirada lagu saari doono iskaashiga dalalka Soomaaliya, Eretriya iyo Masar.

“Waxaa shir madaxeed saddex geesood ah oo dhexmari doona Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Abdel-Fattah el-Sisi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo looga hadlayo xoojinta xiriirka saddexda dal iyo sidoo kale arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Eretariya Yemane Meskel.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku heysa heshiiska badda Adis Ababa la saxiixtay Somaliland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed