Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland ?

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.
shirka oo ay goob joog ka ahayeen inta badan golaha wasiirada Soomaliya ayaa diirada lagu saaray geedi socodka hanaanka dimuquraadiyada horumarinta Garoomada, shirarkii nabadaynta ee gobolka Mudug, Dhacdooyinkii todobaadka, kormeerka iyo dayactirka wadooyinka, u diyaar garowga todobaadka dhiraynta Puntland iyo qodobo kale.
Golaha wasiirada Puntland ayaa dhamaan isla qaatay in wax laga qabto baahiyaha laga wada hadlay oo ay mihiimad u leedahay hormarinta hanaanka dimuquraadiyada iyo adkaynta nabada guud ahaan Puntland

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed