Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Hirshabeelle?

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada ee Dowladda Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn xilalka loo dhaariyay Wasiirrada Wasaarradaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Batroolka ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirrada ee Dowladda Hirshabeelle oo diirada lagu saaray u diyaar-garoowga shirka sannad-laha ee Golaha Wasiirrada.
Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose Cabdi Daahir Karoore ayaa uga warbixiyay Golaha Wasiirada HIrshabelle qorshaha Wasaarada Arrimaha Gudaha gaar ahaan dhismaha golayaasha Deegaanka.

Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirada la wadaagtay hannaanka loo wajahayo shir-sannadeedka Golaha Wasiirrada kaas oo lagu gorfeyn doonno muddadii sannadka sida ay shaqadda aheyd.

“Si aan u guuleysano waa inaan wadajir xil isaga saarnaa shaqadda, dhammaan Golaha Wasiirrada waa inay ogaadaan halka laga qiimeyn doono inay tahay shirka sannad-laha ee soo socda.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa faray dhammaan golaha wasiirrada inay dardargeliyaan shaqada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed