Maxaa looga hadlay shirkii golaha Wasiirada ee DFS ?

Golaha Wasiiradda ee Xukumadda Federaalka ayaa maanta shirkoodii toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Shirka ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca oo soo bandhigay warbixinadda howlgalladii ugu danbeeyey ee ciidamada xoogga ka sameyeen deegaanno ka tirsan dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay.

Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo  Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed