Maxaa looga hadlay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda, kaas oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka socdo qeybo kamid ah dalka iyo horumarka ay sameyneysay sanadihii dhawaa Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Shirka oo u guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey.

“Golaha ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka, iyada oo xustay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” sida lagu warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dasuuurka, iyada oo goluhu si mugleh ugu bogaadiyay shaqada adag ee ay soo qabteen hey’adaha dastuurka, maadaama uu haatan horyaallo Baarlamaanka oo guda galay doodaha lagu dhammeystirayo dastuurka. Ayaa lagu soo gabagabeeyey warka ka soo baxay Golaha Wasiirrada.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed