Maxaa looga hadlay Shirka Todobaadlaha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa shir-guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee Degmooyinka oo diiradda lagu saaray Horumarinta Waxbarashada & Dardargelinta Ololaha Hooyo u hiili Qaranka ee la sheegay in lagu garab istaagayo Ciidamada.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kulankaan ku casuumay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo su’aalo laga weydiiyay qorshaha Wasaaraddiisa ee horumarineed ee dhanka Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa dhankiisa Gudbiyay qorshaha wadashaqaynta ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo hagaajiyo tayada Ardayda iyo goobaha wax lagu baro eek u yaalla Caasimadda.

Marka laga tago dhanka Waxbarashada, waxaa kale oo Shirkaan looga hadlay Qorshaha loogu talagalay in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka sida ee ah ‘Dardargelinta Ololaha Hooyo u hiili Qaranka, Hormuudka Haweenka barnaamijkaan ayaa gudbiyay warbixintooda la xiriirta in la dhinac istaago Ciidamada gudanayaasha waajibaadka saaran.

Madasha waxaa soo dhaweyn loogu sameeyay Duqa Magaalada Bolnas ee Dalka Sweden Cabdullaahi Cadaani, waxa uu bogaadiyay howlaha lagu hormarinayo dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo waxyaabaha kale ay u baahan yihiin Bulshada ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed