Maxaa looga hadlay kulankii golaha shacabka ee maanta?

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow

Guntanka ama kooramka kulanka xildhibaanadda oo ku furmay 143-xildhibaan ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka, iyo akhrinta labaad e Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir beereedka, waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Golaha u akhriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyadan.

intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo ka dooday qodobada hindise sharciyeedyadan ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay, waxaana ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka joogay kana jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanadda weydiinayeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda hindise sharciyeedyadan dib loogu celiyay guddiga ay khuseyso, iyaga oo kusoo daraya aragtiyada iyo doodaha xildhibaanadda dibna Golaha ugu soo celin doona si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed