Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyada oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradaha gaashaandhiga iyo amniga, waxaana ay ka hadleen Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka AS iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee kooxahaasi.
Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka AS iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029).
Kulanka Golaha wasiiradda ayaa ku sooa adaya xilli ciidamada xoogga gobolada dalka ka wadaan dagaalka AS.