Maxaa keenay inay bataan masaajidda ku yaalla Ruushka

Tirada masaajidda ku yaalla Ruushka ayaa sare u kacay tobanaankii sano ee la soo dhaafay, waxaana arrintan daboolka ka qaaday maas’uul ka tirsan maamulka Putin.

Isagoo ka hadlayey madasha 11aad ee Muslimiinta ee lagu qabtay Moscow ayuu Magomedsalam Magomedov sheegay in goobaha cibaadada ee muslimiinta ay 6o sare u kaceen 30kii sano ee la so dhaafay sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Ruushka ee RT.

Xilligii Soofiyeetiga ayaa aad loo koontorooli jiray Islaamka iyo diimaha kale, waxaana yaraa culimada islaamka ee la aqoonsan yahay.

Itixaadkii Soofiyeeti xilligiisii waxaa jiray tiro culimo ah o aysan xukuumaddu aqoonsanayn. 1989 ayaa maamulayaasha waxay khafiifiyeen xayiraado badan oo saarnaa.

Markii uu burburay itixaadkii Soofiyeeti, xorriyadda diinta waxay ka mid noqotay xuquuqaha dastuuriga ah ee Ruushka, waxaana halkaas ka soo billowday in Islaamka iyo diimaha kale ay soo xoogaystaan, sida masiixiyadda.

“1991 dalku wuxuu lahaa 120 masjid oo kaliya, haddeerna waxaa jira in ka badan 7,000 oo masjid” ayuu ka sheegay madasha Magomedov, wuxuuna intaa sii raaciyey “marnaba dalkeenna tiro intaa le’eg ma aysan soo marin”.

Mas’uulkaas wuxu intaa ku daray in sannad kasta ay 25000 oo ah muslimiinta Ruushka soo xajiyaan, ilaa haddana waxaa 30kii sano ee la soo dhaafay ka soo xajiyey Ruushka 350,000 oo qof oo muslimiin ah.

Sida ay qortay warbaahinta RT Mosko waxay xilliyada qaar aad u difaacday aragtida diimeed ee Muslimiinta, gaar ahaan xilliyadii muranku uu ka dhashay gubidda kitaabka quraanka.

Sannadkan ayaa waxaa jiraay dhowr kiis oo ay dad xagjiriin ah ku jeexjeexeen kitaabka Quraanka, mararka qaarna ay gubeen, gaar ahaan dalalka ku yaalla waqooyiga dunida.

Bishii Juun ayaa maxkamad ku taalla Sweden waxay ogolaatay in kitaabka quraanka lagu gubi karo meel dibadda ka ah masjid ku yaalla magaalada Stockholm, gaar ahaan xilligii Ciidul Adxaa ee muslimiintu dabaal degayeen.

Falalkaas ayaa soo jiitay dibadbaxyo ay dhigeen muslimiinta ku nool dalalka Scandinavian-ka iyo dunida qaybaheeda kale.

Maamulayaasha dalalkaas ayaa iyaguna inkastoo ay mararaka qaar dhaliilaan ficilladaas, misna waxay ku doodaan in dad ka ficilladaas samaynaya uu ilaalinayo sharciga xorriayadda hadalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed