Maxaa ka soo kordhay qaraxii ka dhacay Boosaso

Dhimashada 4 qof iyo dhaawaca 16 qof oo kale ayaa ka dhashay qarax ka dhacay galabta goob meherad ah oo lagu qayilo kuna taalla aaga xaafada Tuurta ee beriga magaalada Boosaso.

dadka dhintay waxaa ku jiray ciidamo iyo qof shacab ah oo meesha u soo qaylaad tagay madaama ay ahayd meherad qaylaad.

dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas iyadoo aysan weli ka hadlin laamaha amaanka ee magaalada Boosaso.

mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa hoos u dhac ku yimaaday amaanka magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso,waxaana jiray xarumo ganacsi oo qaraxyo lagu weeraray kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed