Maxaa ka soo kordhay dagaalkii Aadan Yabaal?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay saaka waaberigii AS ku qaadeen saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo lagu qaaday dhowr jiho oo ku billaawday qaraxyo ayaa sababay dagaal xooggan oo wali ka socda gudaha iyo duleedka degmada, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la xaqiijiyay inay ka hortageen weerarka, wallow weli xaaladda magaalada aysan daganeyn.

Inkasta oo aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah, haddana dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas.

Ciidanka Dowladda ayaa dhaqdhaaqyo ciidan ka wada gudaha magaalada Aadan Yabaal iyo deegaannada hoos yimaada, iyada oo ay jiraan askar gurmad ah oo ka yimid dhinaca gobolka Hiiraan, kuna biiray dagaalka.

Wasiirka Amniga maamulka Hirshabeelle oo si kooban uga hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarkan AS ku soo qaadeen degmada Aadan Yabaal oo laba sano ka hor ay la wareegeen Militeriga Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed