Maamulka degmada Boosaaso ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Mas’uuliyiin ka socda shirkadda korontada bixisa ee PEPCO, si wax looga waydiiyo xaaladda adeegga ay bixiyaan iyo cabashada bulshada.
Shirkaan oo uu soo agaasimey duqa degmada Boosaaso Dr Cabdiraxmaan Jinac, waxaa kaloo ka qayb-gallay Wasiirka tamarta iyo biyaha Liibaan Muuse Boqor, Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Maxamed Jaamac, gudoomiye ku-xigeenka degmada, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo wakiilo ka socdey bulshada rayidka ah.
Kulanka ayaa layskula qaatay in dowladda Puntland mashruuca solar-ka degmada Boosaaso ku wareejiso shirkadda PEPCO, si wax looga qabto cabashada bulshada ee korontada Magaalada Boosaaso, inkastoo aan la carrabaabin xilliga la dhammaystirayo wareejinta.
Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe cabasho xooggan ka muujinayey qiimaha korontada oo halkii kiilow waad laga siiyo 0.79, middaas oo ka qaalisan Magaalooyinka kale ayna u dheertahay xaaladda cimilada Boosaaso oo aad u kulul.

