Masuul ka tirsan gobolka Gedo oo qarax lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Beled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Cabdifataax Nuur Mataan iyo askar la socotay ayaa qaraxa miino shalay lagula eegtay gudaha degmadaasi, isaga oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sida ay ogaatay SBC, dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka ayaa loo waayay gurmad de-deg ah, si loogu soo qaado magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ciriiriga ka jiray dhanka diyaaradaha, iyada oo mar dambe suuragashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay galab keentay Muqdisho oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale oo gaaray askartii la socotay mas’uulkaasi oo haatan la xaqiijiyay geeridiisa.

Gedo ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ka dhex faa’iideysaneyso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobolkaasi.

 

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed