Waaxda Warfaafinta Dawladda Masar (SIS) ayaa beenisay wararka sheegaya in Masar ay diyaar u tahay โin ay dib u dejin u sameyso nus milyan reer Qazaan ahโ dhulkeeda.
Hadalka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr wargeys oo ay ku jiraan kuwa Israaโiil ay daabaceen wararkan.
Madaxweyne Sisi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu diyaar u yahay in nus malyanFalastiiniyiin ah uu ka soo wareejiyo Qaza una wareejiyo dhulka Masar.
War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe ee Masar, Qaahira โsi buuxda ayay u beenisay eedaymaha ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo la xiriiray inay diyaar u yihiin inay si ku meel gaar ah u rarto nus milyan qof oo degan Qaza islamarkana la gaynayo magaalo loo cayimay oo ku taal waqooyiga Sinai, taasoo qayb ka ah dib u dhiska marinka Qaza.
Wargeysku waxaa warbixintiisa ku soo beegmaysaa hadal uu yiri Wasiirka Difaaca Israaโiil Yisrael Katz, kaas oo tilmaamay in la fulinayo qorshe uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu horumarinayo Qaza xilli ay Israaโiil duqaymo ka waddoi dhulkaas.
Waaxda Warfaafinta Dawladda (SIS) ayaa ku tilmaamay wararkan been-abuur aan sal iyo raad lahayn, โkuwaaso asal ahaan iyo gebi ahaanba ka soo horjeeda mawqifka adag ee Masar, kaas oo ay ku dhawaaqday tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka lagu baabiโinayo Gaza ee Oktoobar 2023,.