Marxuum Xildhibaan Tabliiq oo ku geeriyooday shil gaari

Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr, degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale waxaa shilkaas ku dhaawacmay xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed.

Madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cali Tabliiq.

Marxuumka Cali Tabliiq ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed