Marxuum Xildhibaan Cali Tabliiq oo Aas qaran Garowe loogu sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka  Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybaglay galabta Aas Qaran oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Ku geeriyooday Shil gaari.
Munaasabadda Aaska Qaran waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Goleyaasha Dowladda Puntland, Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Qoyskii iyo Qaraabadii AHUN Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka Tacsiyeeyay geerida AHUN Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay oo kula kulmay Aaska Aabe Axmed Maxamuud (Aabaha dhalay Marxuumka) isagoo si guudna ugu tacsiyeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, saaxiibadiisii iyo qoyskiisii , wuxuu Madaxweynuhu Allaah uga baryay marxuumka in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo dhammaanteena Samir iyo Iimaan inaga wada siiyo Aamiin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed