Mareykanka oo war ka soo saaray doorashadii ka dhacday Puntland

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay doorashadii ka dhacday degmooyinka Garoowe, Godob-jiiraan iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu boggaadiyay maamulka iyo shacabka Puntland, sida ay doorashada u qabsoontay.

“Dowladda Mareykanka ayaa shacabka Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka ugu hambalyeysay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday gobolka Nugaal, waxaa ay awood u siineysaa kumannaanka reer Puntland inay ku dhaqmaan xaqa ay u leeyihiin inay wax doortaan, taasi oo qeyb ka noqoneysa horumaranka Soomaaliya iyo Hirgalinta Dimuqaraadiyadda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Hadalka ka soo baxay Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli si lamid ah ay xubnaha Beesha Caalamka ku boggaadiyeen maamulka Puntland Doorashada ka dhacday degmooyinka Garoowe, Godob-jiiraan iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed