Safaaradda Mareykan ee Muqdisho ayaa dhankeeda cambaaraysay weerarkii lagu qaaday xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen saraakiil u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta.
Warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri, โWaxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.โ
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sii sheegay, โWaxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda.โ
We extend our deepest condolences to the loved ones of those who lost their lives in yesterdayโs deplorable terrorist attack against UAE military trainers and Somali soldiers valiantly working to advance the nationโs stability. We condemn this cowardly attack in the strongestโฆ
โ U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) February 11, 2024
Fiidnimadii xalay xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay weerar uu fuliyey askari ka tirsan askar tababar loogu soo xiray xerada, waxaana ku dhintay macalimiintii tababarka bixinaysay oo u dhalatay dalka Imaaraadka iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda.