Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa war qoraal ah oo ay ku daabacday barta X ku cambaareysay weerarkii ay kooxda Daacish 11-kii Febraayo 2025 ku qaaday fariisimada ciidamada Puntland ee Buuraleyda Calmiskaad.
“Waxaan cambaareyneynaa weerarkii ay kooxda Daacish ku qaadday ciidamada Difaaca Puntland 11-kii Febraayo. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehellada askarta geesiyaasha ah ee ciidamada amniga Puntland ee ku geeriyooday weerarkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.
Dowladda Mareykanka ayaa ciidamadeeda cirka waxay mar kale duqeyn ku beegsadeen dagaalyahannada kooxda Daacish, si loo wiiqo awooddooda. Bishan billowgeedii, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn hore lagu dilay sarkaal sare oo kooxda ka tirsan, kaasoo khatar ku ahaa amniga gobolka iyo caalamka, sida ay sheegeen khubarada amniga ee Mareykanka.
Mareykanka iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka taageeraya Puntland, iyagoo gacan ka siinaya howlgalka ballaaran ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish, taasoo muddo dheer ku sugneyd Buuraleyda Calmiskaad.