Mareykanka oo hal arin darteed uga horyimid Hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland …’

War kasoo baxay aqalka Cad ee Maraykanka ayaa walaac looga muujiyay heshiiskaas dhawaan dhexmary Itoobiya iyo Soomaliland kaas oo ay sheegtay dowlada Mareykanku in uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.

John Kirby, isuduwaha xidhiidhka golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa u sheegay warfidiyeenka in aqoonsiga Itoobiya ay siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan taageereynaa madax banaanida Soomaaliya iyo madaxbanaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo.”ayuu yiri John Kirby.

Itoobiya iyo Somaliland waxa ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah 1-dii Jannaayo, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya in ay samaysato saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Somaliland.

Taas beddelkeedna, Itoobiya ayaa Somaliland u ballanqaaday inay siinayso aqoonsi caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee, IGAD ayaa iclaamisay shir looga hadlayo xiisadaha labada dal, kaas oo 28-ka bishaan ay ku qabanaysa dalka Uganda,hase ahaatee, Itoobiya ayaa ka meer meeraysa inay shirkaas ka qeyb gasho.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed