Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo ragy xubno la shaqeeya Al-Shabaab

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay wax ay ku sheegtay shabakad caalami ah oo dhaqaale u uruuriya kooxda Al-Shabaab ee ka hawlgasha Soomaaliya.

Cunaqabateynta ayaa lagu bartilmaameedsaday 16 hay’adood iyo shaqsiyaad ku kala nool gobolka Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda maaliyadda dalka Maraykanka.

Lama sheegin magacyada shabakadahan iyo shakhsiyaadka cunaqabataynta lagusoo rogay, hase ahaatee, Maraykanka wuxuu sheegay in la xayiray hantida hay’adahan ay ku leeyihiin Maraykanka, si loo joojiyo la macaamilka ay laleeyihiin kooxda Alshabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in al-Shabaab, ay u aragto koox argagixiso oo hesha in ka badan 100 milyan oo doolar sannadkii, taasoo ay ku jirto lacagaha baadda ah ee ay ka qaataan ganacsiyada maxalliga ah.

“Khatarta al-Shabaab kuma koobna Soomaaliya oo kaliya,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ku yiri hadal uu soo saaray. “Dhaqaalaha Al-Shabaab waxaa loo qaybiyaa kooxaha kale ee xiriirka la leh al-Qaacida ee caalamka, Ayuu hadalkiisa kusii daray.”

Maraykanka wuxuu sheegay in Alshabaab ay gacan ka geysato maalgelinta hammiga al-Qaacida ee ku aaddan inay wiiqaan dowlad wanaagga adduunka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed