Maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya oo Go’aamo lagu soo ragey

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo lagusoo rogay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya, iyadoo awaamiirtan looga dan leeyahay in lagu kordhiyo sida dowladdu sheegtay, kormeerka iyo xakameynta dhul-badeedka Soomaaliya.

Dhammaan maraakiibta soo galaya biyaha Soomaaliya ayaa lagu amray in ay ka babadaan calanka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaadhan oo lagu wanaajinayo amniga qaranka iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Marka laga soo tago shuruudaha calanka, maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya, ayaa la faray in ay ogeysiin siiyaan maamulada dalka ka jira, una hoggaansamaan nidaamka ay u dejisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa dhawaan heshiisyo lagu difaacayo baddeeda la gashay dalka Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya. Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawin doona ilaalinta amniga baddeeda muddo 10 sano ah.

Awaamiirtan cusub ayay dowladdu u aragtaa kuwo hoosta ka xariiqaya sida ay Soomaaliya u doonayso in ay ku xoojiso amniga baddeeda, loogana ilaalin lahaa  falal aan la ogolayn ama sharci darro ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan xoogga saaaraysa sidii meesha looga saari lahaa heshiiska xadgudubka ku ah qaranimada Soomaaliya, oo ay Ethiopia la gashay Somaliland, heshiiskaas oo Ethiopia u ogolaanaya gelitaanka biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Taye Atskeselassie ayaa jimcihii hoosta ka xarriiqay in helitaanka badda ay weli tahay arrin muhiim u ah Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 110 milyan qof.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed