Madaxweynihii 8aad ee Benin oo la afgambiyay & xaaladda oo kacsan

Dalka Benin waxaa ka dhacay Afgambi Militari oo aan dhiig ku daadan, Saraakiil katirsan Ciidamada dalkaas ayaa warbaahinta Dowladda kasoo muuqday iyaga oo ku dhawaaqay in ay xilka ka tuureen Madaxweynihii 8aad waa Patrice Talon.

Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa xaaladdiisu qasan tahay, waddooyinka waa wayn waxaa lagu arkayaa Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada Militariga, waxaa la joojiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka sida warbaahinta madaxabannaan ay tabisay.

Madaxweynaha Xilka laga tuuray ee Benin waxa uu xilkaan qabtay 6dii April 2016, Talon oo ah Nin Ganacsade ah waxa uu guryo waa weyn ku leeyahay dalka uu u janjeeray ee Faransiiska, waxaana uu sababsaday doorashadii muranka dhalisay ee dalkiisa ka dhacday.

Sarkaal lagu magacaabo Pascal Tigri ayaa ka hadlay Teleefishinka Dowladda isaga oo si aan ka gambasho lahayn u sheegay in ay xilka la wareegeen isla markaana ay soo dhisayaan Dowlad lagu wada qanacsan yahay sida uu hadalka u dhigay.

Afrika waxaa wax caadi ah ka noqday afgambiga xilalka looga tuurayo madaxda isku koobay awoodda dowladda, sidaan oo kale waxa ay ka dhaceen Dalal badan oo qaaraddaan dhaca kuwaas oo qaarkood weli gacanta ugu jira Militarigii xukunka marooqsaday.

Weli wax war ah lagama hayo Madaxweynaha la afgambiyay ee Benin, waxaana la ogayn halka uu jaan iyo cirib dhigay iyo su’aalo badan oo la iska weydiinayo sida uu u fududaaday inqilaabkaan ka dhacay Dalkaan dhaca Galbeedka Afrika.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed