Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay khatarta Garaadka Macmalka ah ee AI

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka hadlay saameynta tiknoolajiyada casriga ah ee garaadka macmalka ah AI, kaddib markii su’aalo lagu weydiiyey barnaamij uu qabtay Machadka Council on Foreign Affairs.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in ay muuqato saameynta AI oo lagu sameeyo codad, sawirro iyo muuqaallo been abuur ah, kuwaasi oo lagu matalo isaga iyo hoggaamiyeyaal kale, taas oo bulshada ku abuurtay jahwareer.

AI waa arrin si degdeg ah u socota. Codad, sawirro iyo muuqaallo ayaa lagu sameeyaa AI-ga, kuwaas oo dadka tusaya in Xasan Sheekh ama qof kale uu ku hadlayo luuqado adag oo aanan anigu lahayn. Arrintaasina bulshada way saameyneysaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in qofkasta ra’yigiisa cabiri karo, isagoo ka fogaanaya rabshad iyo wax kasta oo keeni kara isku dhac bulsho.

Rabshad iyo shaqsi qori wata lama ogola, balse ra’yigaaga waa muujin kartaa 100%” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Baraha Bulshada Soomaalida ayaa waxaa maalmahan ku soo batay muuqaalada, sawirrada iyo codadka been abuurka ah ee laga sameynayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxda kale, tillaabadaasi oo sababi karta jahwareer.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed