Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimadii iyo Midnimadii dalka isaga oo kagala qeb galay shacabka Soomaaliyeed.

Dr Xasan ayaa intii uu joogay shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirka ummadda iyo waxkasta oo keeni kara kala tag, sidoo kale in ay adkeystaan/xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed.

Dabbaal degga munaasabadda 1-luulyo ayaa ka duwan sidii sannadihii hore loogu dabaal degi jiray, sannadkaan waxaa ka qeyb galay diyaaradaha Ciidamada Cirka, dabaabadaha, gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, iyo Booliska.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed