Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta mar kale la kulmay xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka iyo arrimo la xiirira wax ka badalka Dastuurka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku soo hadal qaaday maqnaashiyaha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee shirarka golaha wada-tashiga qaran.
Labada dhinac ee Villa Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka weli wax faahfaahin ah kama bixin shirka iyo qoddobada ka soo baxay.
Madasha Mucaaradka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed ayaa ka kooban, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo Madax kale.
Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayaya inuu xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka Dowladda.

