Madaxweyne Qoor-Qoor oo ku baaqay in si wadajir ah loogula dagaalamo ‘AS’.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo muhiimadda Dowlad-Goboleedkaas u leeyahay ayaa ku baaqay in si wadajir ah loo wajo dagaalkaas.

Axmed Cabdi Kaariye (Axmed Qoor-Qoor) Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in isku duubni & iskaashi lagu gaari karo guul sidaas awgeed aanay laga maarmin in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Ka gudubka qabyaaladda & iska hor keenista Beelaha Walaalaha ee wada degen ayuu carrabka ku adkeeyay in aanay laga maarmin maadaama ay udub-dhexaad u yihiin caqabadaha dhibaatada ku ah wadajirka Bulshada.

“Gumaysigii aan ka xoronway kuwaan ayaa ka xun, Diin ahaan ayay uga xun yihiin, nafta & Mustaqbalka ayay uga xun yihii, iyagana maanta waxa Soomaalida la gudboon waa in aan dhinac uga soo wada jeesanaa oo aan iska dhicinaa, Soomaaliyey inta qabyaaladda aan iska dayno, State (Dowlad-Goboleed) keliya iskama xorayn karno ee aan hal dhinac inta uga soo wada jeesano aan iska qabano” MW DG Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa muddooyinkii dambe hakad uu ku yimid howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socday deegaanno katirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug balse taasi baddelkeeda waxaa kordhay Dagaalka u dhaxeeya Beelaha qaar.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed