Madaxweyne Guudlaawe oo gudoomiyay shirka golaha wasiirada

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Baahinta garsoorka, Dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, Warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhowaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta alshabaab ee wali ka socda deegaanada Hirshabeelle isagoo tilmaamay in loo diyaar garoobayo wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta sidoo kalana ay deegaanada qaar ka socdaan abaabul shacab oo ka dhan ah khawaarijta alshabaab.
Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Golaha uga warbixiyay hanaanka daadejinta iyo baahinta garsoorka isagoo sheegay in dhamaan degmooyinka xorta ah laga hirgaliyay Maxkadamadaha degmooyinka.
Golaha Wasiirada ayaa ku bogaadiyay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose dhameystirka golaha deegaanka degmada warsheekh iyo qabsoomida doorashadii daaha furneyd ee ka dhacday degmadaas.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa golaha la wadaagay mashaariicda ay ku howlan tahay wasaarada ee hada socda iyo kuwa dhowaan bilaaban doona isagoo xusay in dhowan dib loo howlgalin doono biyo xireenka sabuun oo waxtar wayn u leh bulshada.
Ugu dambeen Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay oo Xukuumada usoo gudbisay Wasaarada Amniga gudaha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed