Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) oo ay hoggaaminayso Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda IOM, marwo Ugochi Daniels.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu maanta qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) oo ay hoggaaminayso Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda IOM, marwo Ugochi Daniels.
“Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Hay’adda IOM, Qulqulka tahriibta iyo mashaariicda hay’adda IOM ka fuliso Puntland”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

