Madaxweyne Deni oo laga Aqbaly codsi uu udiray Baarlamaanka

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa saaka ogolaaday codsi uga yimid madaxweyne Deni oo ka dalbaday in ay u kordhiyaan wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa cod aqblabiyad leh ku meel-mariyay in mudda 30 cisho ah (bil) madaxweynaha loogu daro wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamanka Puntland ayaa lagu sheegay in mudda 30 cisho ah lagu kordhiyay wakhtiga madaxweynuhu ku soo magacaabayo xukuumadda.

“Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)” ayaa lagu yiri qoraalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed