Madaxweyne Deni oo la kulmay Musharixiintii uu Tartanka la galay

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Munaasabadda sida oo kalae waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland.
Ujeedka kulankan qadada ah ayaa lagu sheegay iscafin iyo wadashaqeyn dhexmarta Musharixiinta tartanka galay iyo Madaxweyne Deni oo markale shalay dib loo doortay.
Doorasho shalay ka dhacday xarunta Golaha Wakiilada Puntland ayaa gaartay wareegii sadexaad oo ay iskugu soo hareen Guuleed Saalax iyo Madaxweyne Deni oo isagu kaga guuleystay 45 cod.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed