Madaxweynaha Suuriya, Maxamed Al-Julani, ayaa markii ugu horreysay gaarey dalka Mareykanka, si uu uga qeyb galo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda gobolka iyo kaalinta Suuriya ee xasillinta Bariga Dhexe, taas oo lagu tilmaamay fariin muhiim ah oo ku wajahan beesha caalamka.
Sida ay sheegeen ilo diblumaasiyadeed oo ku sugan New York, Madaxweyne Al-Julani wuxuu sidoo kale qorsheynayaa kulamo gaar ah oo uu la yeesho Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa heshiisyada amniga iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee gobolka.
Dhanka kale, Suuriya ayaa hore ugu dhaliishay Mareykanka dib u dhigidda qaadista cunaqabateynta weli saaran dalkaasi, taas oo mas’uuliyiinta Dimishiq ku tilmaameen inay carqalad ku tahay soo kabashada dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Sida laga soo xigtay warbixin Qaramada Midoobay oo bishii Sebteembar la soo saaray, in ka badan 70% shacabka Suuriya ayaa ku nool heer saboolnimo.
Madaxweynaha Suuriya ayaa la filayaa inuu arrintan si gaar ah uga hadlo inta lagu jiro shirarka dhinacyada badan ee ka socda UNGA, isaga oo ku cadaadinaya Washington in la ballaariyo qaadista cunaqabateynta, isagoo dhankiisa ballanqaaday in Suuriya ay qaadi doonto isbeddello dimuqraadi ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

