Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Safiirka Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka Ambassador Richard H. Riley.
Salaan iyo soo dhawayn ka dib waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya, nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu horayn xog-waran guud ka siiyey safiirka arrimaha doorashooyinka Somaliland ka qabsoomi doona dabayaaqada Sannadkan, Waxaanu Madaxweynuhu xusay inay juhdi badan gelinayaan doorashada, culays kasta oo ay ku tahay Somaliland, kuna qabanayaan wakhtigeeda, iyadoo aanay cidina gacan ku siin, taana ay isla ogolyihiin reer Somaliland iyo axsaabta in dalka doorasho ka dhacdo, xukuumaduna ay dhamaystirtay waxkasta oo suurto-gal ka dhigaya in dalku u dareero doorashooyin.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu safiirka faahfaahin ka siiyey nabadgelyada mandaqada geeska Afrika, waxaanu is-dultaagay heshiiska is-afrad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia, isagoo xusay in labada dal wixii ay ku heshiiyeen ay iyaga u gaartahay, isla markaana wax dhibaato ah aanay dalal jaarka iyo caalamkaba u lahayn, balse ay soo kordhin doonto iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dedaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka.
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey in Somaliland ay u leedahay waayo aragnimo buuxda wixii khilaafaad ah ee dhexdeeda ah, kuna dhamaysto gudeheeda xal nabadgelyo,Dooda muqdisho ee ah marka uu hirgalo heshiiska isfahan ee Somaliland iyo ethiopia, waxa xoogaysanaysa Al-shabaab, kaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo, waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabadgelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dawladaha afrika ee xornimada ka qaatay Isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii Isticmaarka.
Safiirka Maraykankuna waxa uu cadeeyey inay dawladdiisu diyaar u tahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Maraykanka, horumarka iyo dimu-quraadiyada ay Somaliland ku tallaabsatayna ay soo dhawaynayaan
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey masuuliyiinta kala ah Geoffrey Parker iyo Obermueller Martin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed