Madaxweynaha Masar oo martiqaad u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi ayaa marti-qaad u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu booqasho ku tago dalkaasi, sidaasi waxaa tebisay wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA.

Marti-qaadkan ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo la shiray madaxweyne Xasan Sheekh Axaddii.

Waxay wakaaladdu qortay in intii uu socday kulankaas ay wafdigu ku celiyeen in madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

dalal badan oo Afrikaan ah ayaa taageeray midnimada iyo Madaxbanaanida dhulka Soomalida iyagoona si cad uga horyimid Hishiishkii Badda ku saabsanaa ee ay Itoobiya la gashay Soomaliland .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed