Madaxweynaha Jubbaland oo dagaalka AS kala hadlay saraakiisha ciidamada ATMIS

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ka qabsoomay kulamo looga hadlay dardar galinta dagaalka AS iyo howlgallada socda.

Taliyaha Qaybta 2-aad ee ciidamada ATMIS, Jeneraal Seif Rashiid, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac iyo dagaalka AS.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku soo hadaly qaaday howlgalka ATMIS ee muddadiisa sii dhammaaneyso iyo la wareegida ciidamada Soomaalida ee Amniga dalka.

Madaxweyne Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sugida amniga Jubaland, halka Jeneraal Rashid uu xaqiijiyay in ay ka go’an tahay dadaallada nabadeed ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Taliska ciidamada ATMIS ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Taliyaha ciidamad ATMIS, guutada labaad Jeneraal Seyf Rashid ayaa sheegay in ay labada dhinac ay ka wada hadleen dagaalka AS iyo sidii loo xoojin lahaa amniga.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed