Madaxweynaha jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka Maraykanka ayaa la sheegay in ay wadahadleen arrimaha amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo taageerada dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “madaxweynaha dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Jubaland”.
“Intii uu socday kulanka, oo ay madaxweynaha ku wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka qorsheynta & xiriirka caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya” ayaa la raaciyay.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in 10-ka bishan Diseembar uu ka dhaco shir ay yeelanayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta, kaas oo lagu dhammeystiri doono qaab-dhismeedka golaha, sidoo kale waxay uga arrinsan doonaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka, sida ay ku sheegeen bayaankii Nayroobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.

