Madaxweynaha Galmudug “Waxaan qabaneynaa Doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi  Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay diyaar garowga doorashada maamulkaasi, isaga oo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo dagaal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay munaasabad ka dhacday madaxtooyadda maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada.

“Dadka daneynaya doorashada ololaahaga ku soo bandhigo baratan iyo waxaa aad qaban karto, laakiin yaan la isku dayin wax ka dhan ah amniga dalka iyo Waxaa ka reeban hub iyo saasaan hore loogu soo daalay” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah, shacabkana ay soo dooran doonaan Madaxweynaha Galmudug ilaa xubnaha ka hooseeya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed