Madaxda Puntland oo ka qeyb-gashay tukashada Salaada ciida

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mira Awaare Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Shacabka Caasimada.
Ku-simaha Madaxweynaha ayaa shacabka reer Puntland, kan Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan farxada leh ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo amni.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay in dowladda Puntland ay u taagan tahay illaalinta Midnimada Soomaaliyeed iyo wixii Soomaali ku heshiisay sidaas darteedna aysan marna aqbalayn wax aan heshiis lagu ahayn.
Munaasabada Ciida waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiil, Isimo, Nabadoono iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed