Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in hoggaamiyaha Taalibaan Ninka lagu magacaabo Sirajudiin Xaqqaani ay ka qaadday abaalmarin lacageed oo Washington horay u dulsaartay in la siinayo qofkii soo gudbiya xog lagu qaban karo ama lagu dili karo.
Lacagta dulsaarnayd Xaqqaani ayaa ahayd $10 Milyan oo doollar kaddib markii Maraykanka uu ku eedeeyay in uu masโuul ka ahaa dagaalladii adkaa ee Xulufada Ameerika kala kulmeen Dalka Afgaanistaan kahor inta aysan isaga bixin sanadkii 2021.
Tallaabadaan waxa ay timid kaddib markii Muwaadiniin Maraykan ah oo gacanta Taalibaan ku jiray lasii daayay, Dowladda Carbeed ee Qadar ayaa kaalin ka qaadatay howshaan sida ay sheegeen masโuuliyiin katirsan Xukuumadda Washington.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada waxa uu soo dhaweeyay sii deynta Glezmann oo ah muwaadin amaarikaan ah oo dalxiis u tagay Afgaanistaan balse Taalibaan xirtay.
Rubio ayaa sheegay in tani ay muujineyso dedaallada loogu sii dhawaanayo dhabbaha is fahamka iyo dunida ay la jaanqaadi karaan Taalibaan oo boggii dagaallada soo xiray sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka.
Washington ayaa isbaddel siyaasadeed ku sameysay aragtideeda masโuuliyiin katirsan Taalibaan iyo Dowladda gacanta ku heysa Suuriya, waxa ay dib uga laabatay lacago abaalmarineed oo hoggaamiyaal katirsan labadaas Dal dulsaartay.