Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda.Â
Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi.Â
SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah.Â
Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Hoos ka aqriso bayaanka SSC-KhaatumoÂ