Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ka dhacay Gobolkaas gaar ahaan aagga Jiciboow oo sababay dhimasho iyo dhaawac isla markaana ay ku qabteen xubno katirsan ‘AS’ oo gaaraya 3 qof.
Guuddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa Warbaahinta u sheegay in xubnahaas ay soo qabteen kaddib markii ciidamada iskaashanaya ee Dowladda Federaalka iyo macawiisleyda ka sameeyeen gobolkaas.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu sii socon doonno dagaalkaas ka socda qaybo kamid ah Gobolkaas oo sii xooggeystay maalmihii lasoo dhaafay waxaana ku biiray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Macawiisley horleh.