Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray go’aamo ka dhan amniga

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Amniga & Siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa bogaadiyay Laamaha Amniga oo dedaal xooggan geliyay sugidda Amniga Magaalada Muqdisho.

Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in bishii Ramadaan xoogga la saaray adkaynta Amniga si Dadka ku nool Caasimadda ay ugu soomaan si nabadgalyo ah oo ugu dambayn laga mira-dhaliyay hadafkaas.

Yabooh ayaa sheegay in saraakiisha amniga qaabilsan ay ula kulmayaan qayb-qayb si ay ugu kala xog-qaataan howlgallada lagu adkaynayo nabadgalyada si ciidamada loogu dhiirrageliyo kordhinta howlaha ay hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shacabka usoo jeediyay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay goobaha lagu baarayo Gaadiidka iyo Dadka la socda waxaana si joogta ah u kormeera saraakiisha qaabilsan la socodka howlgalladaas si ay u qiimeeyaan qaabka howlgalku u socdo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed