Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amray Dugsiyada Ku yaalla Magaalada Muqdisho in la suro Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu intaas ku daray in lagula xisaabtami doonno dugsigii kahor yimaada amarkaan.
War uu soosaaray Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in amarkaan uu kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolkaan ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab una sii gudbiyeen Bahda Waxbarashada.
Ujeedka laga leeyahay in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la suro Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ayuu Agaasinku ku sheegay in Sare loogu qaadayo Waddaniyadda, Anshaxa iyo Asluubta Ubadka Soomaaliyeed.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu kormeer ku samaynayo Dugsiyada si loo hubiyo in uu suran yahay Calanka Sooomaaliya, isla markaana ka qiimayn doonnaan dhinaca tayada adeegyada Waxbarasho ay bixiyaan.
“Waxaan go’aansannay in dugsi kasta oo ku yaalla Gobolka Banaadir la suro Calanka Soomaaliya midabkiisa saxda ah, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya wadaninimada iyo akhlaaqda ardayda Soomaaliyeed. Si loo xaqiijiyo hirgelinta arrimahan, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu sameyn doonaa kormeer joogto ah oo lagu hubinayo in Calanka Soomaaliyeed laga taagay dugsi kasta, iyo guud ahaan tayada iyo adeegyada waxbarasho ee ay dugsiyadu bixiyaan”. Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ku amri jiray in Calanka Soomaaliya ku xirtaan marka la gaaro Todobaadka Xorriyadda oo ah dhammaadka Bisha June ilaa billowga Luuliyo (July).

